Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa si rasmi ah u furay Daahfurka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed (Lr.36, 2024), munaasabad ballaaran oo ka dhacday Hotel Afrik – Muqdisho.

Daahfurka Xeerka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday Dowlad-goboleedyada, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU), iyo marti sharaf kale oo heer qaran ah.

Wasiirka Wasaaradda, Prof. Salim Caliyow Ibrow, oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa carrabka ku adkeeyay in Xeerka Shaqada uu yahay asaaska nidaam shaqo oo caddaalad, hufnaan iyo ilaalin xuquuq shaqaale ku dhisan, isla markaana uu door weyn ka qaadanayo horumarinta suuqa shaqada dalka.

Intii ay socotay munaasabadda, Wasiirka Wasaaradda ayaa gudoonsiiyay Shahaadooyin Sharaf Guddiga Farsamada ee ka soo shaqeeyay Dib-u-habaynta Xeerka Shaqada Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah ugu bogaadiyay dadaalkooda iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen dib-u-habaynta Xeerka.”

Ugu dambeyn, Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay hirgelinta iyo dhaqan-gelinta Xeerka Shaqada Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo cadaalad shaqo, xasillooni bulsho iyo horumar waara.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

÷ 1 = 2

Scroll to Top