Ministry of labour and social affairs

Wasiir Yusuf Maxamed Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka,

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon Yusuf Mohamed Adan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga labada hay’adood, gaar ahaan mideynta iyo isku dubbaridka dadaallada lagu yaraynayo sababaha horseeda barakaca iyo tahriibka, sida colaadaha, saamaynta isbeddelka cimilada iyo saboolnimada, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo hirgelinta barnaamijyo shaqo-abuur ah oo lagu taageerayo bulshada Soomaaliyeed ee nugul. Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa uga mahadceliyay Wasiirka iyo guud ahaan hoggaanka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dadaalka muuqda iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga bulshada nugul, barakacayaasha iyo qaxootiga ku nool gudaha dalka, iyagoo gaarsiinaya adeegyo iyo barnaamijyo waxtar leh oo wax ka taraya xaaladdooda nololeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

+ 12 = 22

Scroll to Top