Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Prof. Salim Alio Ibro, oo  xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Urur Goboleedka IGAD,

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid Wasaaradda si loo sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IGAD ee dhinacyada shaqada, socdaalka shaqaalaha iyo isdhexgalka gobolka.
 
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay hirgelinta Borotokoolka Xorriyadda Isu Socodka Dadka ee Gobolka IGAD (The Protocol on Free Movement of Persons in the IGAD Region), horumarinta maamulka socdaalka shaqaalaha, fududeynta isu socodka sharciyeysan ee shaqaalaha, ilaalinta xuquuqdooda, iyo abuurista fursado shaqo oo horseeda koboc dhaqaale iyo isdhexgal gobolka.
 
Wafdiga IGAD waxaa ka mid ahaa Ambassador Mohamud, IGAD Head of Mission to the Federal Republic of Somalia; Lucy Daxbacher, IGAD Head of Delegation; Bob Nuwagira, IGAD Communications Officer; iyo Sharmarke Farah, ILO National Coordinator.
 
Sidoo kale, kulanka waxaa ka qayb galay Lataliyaha Sare ee Isgaarsiinta Istiraatiijiga ah iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yasir El-hadadi, iyo Agaasimaha Waaxda Sharciga iyo Shaqada, Marwo Suado Cabdullaahi Macallin.
 
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in Wasaaradda ay ka go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta ay la leedahay IGAD iyo Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), si loo hirgeliyo siyaasado iyo barnaamijyo kor u qaadaya shaqo-abuurka, fududeynaya socdaalka shaqaalaha ee ammaan ah, nidaamsan oo sharciyeysan, isla markaana taageeraya horumar waara.
 
Kulankan ayaa ka tarjumaya dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay ugu jirto xoojinta iskaashiga heer gobol iyo heer caalami, si loo horumariyo suuqa shaqada, loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha, loona abuuro fursado dhaqaale oo wax ku ool ah oo ay ka faa’iideystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
 
⸻DHAMMAAD———

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

9 × 1 =
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top