Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Yussuf Wadani ayaa maanta kulan kula qaatay Xarunta Wasaaradda, wafdi ka socday Safaaradda Norway ee Soomaaliya oo uu hogaaminayay Sii-hayaha Safiirka, Mudane Carsten Carlsen.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhowr arrimood oo muhiim ah, waxaana ka mid ahaa sidii loo yareyn lahaa muhaajiriinta socdaalka dibadda ah si loogu abuuro barnaamijyo shaqo iyo xirfado ay ku shaqeystaan, iyo in sare loogu qaado arrimaha la xiriira ilaalinta bulshada nugul (Social Protection).
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Norway taageerada ay siiso shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.





