Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo la adkaynayo ballaarinta iskaashi wadaag ah, sida in la curiyo barnaamijyo shaqo abuur ah oo ay ka faa’idaysan karaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo tababarro sare loogu qaadayo xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha dawladda, si loo kobcyo dan-wadaagga istaraatiijiyadeed ee labada dal.
Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Yuusuf Xasan Isaaq.