Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Prof. Salim Caliyow Ibrow oo kulan u qabtay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Prof. Salim Caliyow Ibrow ayaa manta kulan la qaatay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda, kulankaan ayaa waxaa ku wehlinayay wasiir ku xigeenka wasaaradda Aamino Xuseen iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda Md xil.ceynanshe yuusuf, Agaasimaha Guud iyo dhammaan Agaasime waaxeedyada iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaradda ayaa furitaanki Kulanka kusoo dhaweeyey Wasiirka wuxuuna warbixin ka siiyey arrimaha shaqaalaha asagoo u mahad celiyey shaqaalihii kasoo qayb galay Kulanka.

 

Wasiirka oo la hadlayey shaqaalaha ayaa waxaa uu ku bogaadiyey sida ay u ajiibeyn in ay kasoo qayb galaan kulankaan wuxuuna ku adkeeyey soo xaadiritaanka shaqada iyo gudashada hawlaha loo igmaday waxaana ku amaanay dardargalinta mudadii u joogay shaqada wuxuuna carabka ku adkeeyey in shaqaalaha ku nagaadaan goobahooda shaqada, isla markaana si joogta ah loo hubin doono soo xaadiritaanka shaqalaha.

 

Ugu dambeyntii, Wasiir Prof. Salim aya kula dardaarmay shaqaalaha in ay gutaan waajibaadkooda muhiimna ay tahay ilaalinta soo xadiritaanka iyo nidaamka suul saarka shaqada wuxuna balan qaday in ay xuquuqdoda ay heli doonan ayadoo dhamees tiran.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

43 − 34 =

Scroll to Top