Wasiirka wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Prof. Salim Caliyow Ibrow ayaa maanta ka qeyb galay Munaasabadda saxiixa Mashruuca “ Dardar-gelinta Horumarka Dhaqaalaha iyo Bulshada Soomaliya”, oo ay si wadajir ah isaga kaa shanaayaan Hey’adaha Hormuud-Salaam foundation iyo UNDP.
Munaasabadda waxa goob joog ka ahaa -Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabd iyo Madax kakala socota Hey’adaha UNDP, Salaam Bank, Hormuud Telecom iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Wasiirka oo ka hadlay munaasabadda aya waxaa uu sheegay “ Dhismaha aqoonyahannada qaranku wuxuu macnaheedu yahay kobcinta jiil Soomaali ah oo xirfad leh, daacad ah, hal-abuur leh, isla markaana diyaar u ah hoggaaminta marxaladda xigta ee horumarka dalka. Ma aha oo keliya in aan soo saarno shaqaale, balse waa in aan dhisno hoggaamiyeyaal awood u leh inay abuuraan fursado, xalliyaan dhibaatooyin, si hufanna ugu adeegaan bulshada”.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Prof. Salim oo la dardaarmay dhalinyaradda Soomaliyeed ayaa yiri “ Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan leeyahay: mustaqbalkiinnu ma aha wax la sugo, waa wax la dhiso”