Ministry of labour and social affairs

WASIIRU DAWLAHA WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA OO DALKA LUBNAAN UGA QAYB GALAY SHIR CAALAMI AH OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dawlada Federalka Somaliya oo ka qayb galay Shirka caalami ah ee Madasha labaad (Arab Forum For Equality) oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Dalka Lubnaan ayaa Dalka Dib ugu soo Laabtay.

Wasiiru dowlaha Wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil Yusuf Mohamed Adan iyo Xil Mohamed Abdirahman( Nadif), qubaro ka socdey Wasaaradda Beeraha iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa ka qayb galay madasha looga hadlayey ilaalinta bulshada, sinaan la’aanta bulshada iyo sugnaanta Cuntada kaasi oo maalmahanba ka socday xarunta Qaramada Midoobey UNESCWA ee Magaalada Beruit.

Wasiiru dawlaha ayaa ka qeyb galay Madasha Dood wadaaga asaga oo kaga faalooday qorshaha Wasaaradda uga degan Arrimaha Bulshada, waxuuna ugu horeyn uga mahadeliyey Dowladda Lubnaan iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Beyruut casuumaadda ay u fidiyeen waxaana uu la wadaagay in Soomaaliya ay u aragto Wadamada Carabta saaxiibo muhiim ah oo door weyn ka ciyaarayo Dowalad dhiska Soomaaliyeed ,sidoo kale wuxu ka war bixiyey guulaha ay gaartay Wasaaradda ee dhanka arrimaha bulshada iyo faa’idida uu leeyahay barta diiwaan galinta bulshada ee (Unified Social Registry)

Ugu dambeny Wasiiru dawlaha ayaa wuxuu kulumo gooni gooni ah la yeeshay qaar ka mid ah masuuliyiinta dalalka Carabta ee kasoo qeyb galay madasha wuxuuna u rajeeyay in qodobada shirkaan kasoo baxa ay noqdaan kuwa miro dhal ah.

Scroll to Top