Maanta waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Learning Event on the Third-Party Monitoring of the First Phase of the Child Sensitive Social Protection Programme (CSSP-I), oo socday muddo labo maalmood ah.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray natiijooyinka, casharrada laga bartay, iyo qiimeynta la xiriirta wejigii koowaad ee Barnaamijka Ilaalinta Bulshada ee u Nugul Carruurta (CSSP-I), iyadoo si gaar ah loo xoojinayo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo horumarinta tayada fulinta barnaamijka.
Kulanka waxaa soo xiray Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada, Suhayb Dek Mahmoud, oo ku bogaadiyay dhammaan ka qeybgalayaasha wada-shaqeynta iyo talooyinka wax-ku-oolka ah ee la is dhaafsaday muddadii uu kulanku socday, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay la socodka madax-bannaan (Third-Party Monitoring) si loo xaqiijiyo tayada iyo daahfurnaanta barnaamijyada ilaalinta bulshada.
Kulanka waxaa ka hadlay Lataliyaha Sare ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Drs. Mina Hassan Shibis, oo adkaysay muhiimadda la socodka madax-bannaan iyo doorka ay ku leeyihiin tayeynta barnaamijyada ilaalinta bulshada.
Sidoo kale, waxaa goob-joog ka ahaa wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, bah-wadaagta horumarinta, iyo daneeyayaasha kale ee ku lugta leh hirgelinta barnaamijka.
Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu horumarinayo nidaamyada ilaalinta bulshada, gaar ahaan kuwa taageeraya carruurta iyo qoysaska nugul, iyadoo la kaashaneysa bah-wadaagta kala duwan.