Ministry of labour and social affairs

Waxaa manta xafiiska Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya ka dhacay kulan lagu soo bandhigayay Heshiiska Shaqo ee Shaqaalaha u shaqeeya Shirkadda Favori LLC.

Waxaa maanta xafiiska Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya ka dhacay kulan lagu soo bandhigayay Heshiiska Shaqo ee Shaqaalaha u shaqeeya Shirkadda Favori LLC, kaas oo ay soo diyaariyeen khubarada Arrimaha Sharciga ee Wasaaradda. Kulankan oo uu guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, Prof. Salim Alio Ibrow, ayaa lagu soo gabagabeeyay dib-u-eegis qoto dheer oo lagu sameeyay Heshiis Shaqo oo waafaqsan Sharciga Shaqada dalka (Law No. 36), iyadoo khubaradu diiradda saareen hubinta in qodobbada heshiisku ay si buuxda ula jaanqaadaan shuruucda shaqada ee dalka. Kulanka waxaa ka qeyb galay Lataliyaha Arrimaha Maamulka ee Shirkadda Favori LLC, Nagehan Beyhan, Maamulaha Shirkadda Murat Destek, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, la-taliyeyaal sare iyo sharci-yaqaano ka socday Shirkadda iyo Wasaaradda. Ugu dambeyn, waxaa la isla gartay in heshiiska si rasmi ah loo ansixiyo kadib marka la dhammeystiro turxaan bixinta ka dhiman. Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada waxay sii wadeysaa doorkeeda ku aadan hubinta in heshiisyada shaqo ay waafaqsan yihiin shuruucda shaqada ee dalka, si loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha loona xoojiyo jawi shaqo oo hufan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

+ 82 = 92
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top