Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Ka Qayb-galay Furitaanka Kulanka Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Uganda

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Ka Qayb-galay Furitaanka Kulanka Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Uganda
 
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Saalim Caliyoow Ibroow, ayaa maanta ka qayb galay furitaanka kulanka Dib-u-eegista Muddada Dhexe ee Kalfadhigii Labaad ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka ah Soomaaliya iyo Uganda (JPC), oo ay barbar socdaan Madasha Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo Bandhigga Wadajirka ah ee labada dal.
 
Kulanka waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada dowladood, oo uu ka mid yahay Wasiirka Jinsiga, Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ee Dowladda Uganda, Mudane Henry Tumukunde.
 
Madashan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada shaqada, shaqaaleysiinta, horumarinta xirfadaha, shaqo-abuurka iyo maalgashiga.
Ka-qaybgalka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada wuxuu qayb ka yahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo suuqa shaqada, lagu ballaarinayo fursadaha shaqo-abuurka, laguna xoojinayo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.
 
Kulanka ayaa sidoo kale fursad u ah labada dal inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta dhinaca shaqada, isla markaana ka wada hadlaan nidaaminta shaqaaleysiinta muwaadiniinta labada dal, horumarinta xirfadaha iyo xaqiijinta shaqo hufan oo waarta.
 
Kulanku wuxuu soconayaa 21–22 Oktoobar 2026, iyadoo ay socdaan wadahadallo iyo kulamo ku saabsan mudnaanta iskaashiga labada dal.
 
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

28 + = 30
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top