Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan, ayaa furay kulan ku saabsan isku-duwidda barnaamijyada ilaalinta bulshada (Social Protection Coordination Meeting).
Kulankani ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista hawlaha la qabtay, kuwa qorsheysan iyo kuwa weli socdaba, iyo sidoo kale ka doodista caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda, ayaa waxaa ka qaybgalay wakiillada dhammaan barnaamijyada ilaalinta bulshada, la-taliyeyaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda.
Sidoo kale Agaasimaha Waaxda arimaha bulshada ee wasaaradda, Agaasime Suhayb dek Mahamud, ayaa dhankiissa Bogaadiyeey Shaqada Balaadhan ay Wadaan, Dhamaan Mashaariicda ilaalinta arimaha bulshada (Social protection projects), la-taliyeyaasha, iyo shaqaalaha wasaaradda, kuna booriyay inay shaqada si labo jibaraan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqaynta iyo isku-duwidda dhammaan dhinacyada ku hawlan barnaamijyada ilaalinta bulshada, wuxuu sidoo kale tilmaamay in si hufan oo waxtar leh loogu adeego bulshada ay tahay masuuliyad wadajir ah oo saaran dhammaan hayadaha iyo shaqsiyaadka ay khusayso arimahaasi.
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya