Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Xarunta Wasaaradda ku Qaabilay Safiirka Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacbiga Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Dr. Mohamed Alim.
 
Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan, waxaana looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada shaqada, shaqo-abuurka iyo horumarinta arrimaha bulshada.
 
Kulanka ayaa sidoo kale fursad u ahaa in la adkeeyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, si loo taageero dadaallada horumarinta suuqa shaqada, kobcinta xirfadaha shaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo waara.
 
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta xiriirka saaxiibbada Soomaaliya, si loo dardargeliyo shaqo-abuurka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
 
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

28 ÷ 4 =
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top