Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tababar farsamo oo ku saabsan Badqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada (Occupational Safety and Health – OSH), kaas oo soconaya muddo saddex maalmood ah, laga bilaabo 13 ilaa 15 Oktoobar 2026.
Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Badqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada ee Wasaaradda ayaa waxaa ka qaybgalaya wakiillo ka socda dowlad-goboleedyada dalka, ururrada shaqaalaha, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo shaqaalaha Wasaaradda.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta badqabka iyo caafimaadka shaqaalaha, isaga oo ka qaybgalayaasha ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iidaystaan aqoonta iyo waayo-aragnimada lagu wadaagayo tababarka, kuna dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah, si loo yareeyo khataraha shaqada loona xaqiijiyo goobo shaqo oo ammaan ah oo caafimaad qaba.
Tababarkan waxaa taageero farsamo ka geysanaysa Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), waxaana tababarka bixinaya khubaro ay ka mid yihiin Dr. Aida Lamloum oo ka tirsan ILO, iyo Axmed Sahal Cabdi, Agaasimaha Waaxda Badqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada ee Wasaaradda.
Tababarku wuxuu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha iyo kormeerayaasha shaqada, kor loogu qaadayo hirgelinta heerarka badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada, laguna horumarinayo dhaqan shaqo oo mudnaanta siinaya ka-hortagga khataraha, ilaalinta nolosha shaqaalaha iyo horumarinta wax-soo-saarka.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ka go’an tahay xoojinta ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo horumarinta goobo shaqo oo ammaan ah, caafimaad qaba, isla markaana taageera shaqo-abuurka iyo horumarka waara ee dalka.
Badqabka shaqadu waa masuuliyad wadajir ah. Goob shaqo oo ammaan ahi waa xuquuq shaqaale iyo saldhigga horumarka waara.
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya