Ministry of labour and social affairs

WASIIRKA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA OO MUQDISHO KA FURAY KULANKA 6-AAD EE GUDDIGA FARSAMADA SOCDAALKA SHAQAALAHA

 
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulanka 6-aad ee Guddiga Farsamada Socdaalka Shaqaalaha (Sixth Technical Working Group on Labour Migration), kaas oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta hay’adaha dowladda, bahwadaagta caalamiga ah, ururrada shaqaalaha iyo ururrada loo-shaqeeyayaasha, si loo horumariyo maamulka iyo maareynta socdaalka shaqaalaha ee Soomaaliya.
 
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Saalim Aliyow Ibrow, oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta nidaamyada maareynta socdaalka shaqaalaha, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed iyo abuurista fursado shaqo oo ammaan ah, sharciyeysan, isla markaana waafaqsan halbeegyada shaqada ee caalamiga ah. Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda iskaashiga dowladda, loo-shaqeeyayaasha iyo ururrada shaqaalaha si loo horumariyo siyaasadaha shaqada, loo ilaaliyo shaqaalaha muhaajiriinta ah, loona xaqiijiyo in socdaalka shaqaaluhu ka qayb qaato shaqo-abuurka iyo koboca dhaqaalaha dalka.
 
Kulanka waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed (SCCI), iyo la-taliyeyaasha sare ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kuwaas oo qayb ka ahaa wada-tashiyada ku saabsan horumarinta siyaasadaha socdaalka shaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha ay khusayso.
 
Dhankeeda, Guddoomiye Ku-xigeenka FESTU, Nasra Xaaji Axmed, ayaa adkaysay muhiimadda wada-hadalka bulshada iyo iskaashiga saddex-geesoodka ah ee dowladda, shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha. Waxay tilmaantay in hirgelinta iyo la socodka sharciyada shaqada iyo siyaasadaha socdaalka shaqaaluhu ay muhiim u yihiin ilaalinta xuquuqda, karaamada iyo danaha shaqaalaha muhaajiriinta ah.
 
Waxay sidoo kale soo bandhigtay horumarka laga gaaray wacyigelinta hoggaanka ururrada shaqaalaha ee siyaasadaha socdaalka shaqaalaha, ka-qaybgalka horumarinta hannaan goboleed mideysan oo Afrika iyo dalalka GCC+ ka dhexeeya, iyo sii wadidda adeegyada Xarumaha Macluumaadka Socdaalka (MRCs), kuwaas oo taageera helitaanka macluumaadka iyo adeegyada la xiriira socdaalka shaqaalaha.
 
Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda la saaray horumarinta siyaasadaha iyo nidaamyada maareynta socdaalka shaqaalaha, xoojinta isku-duwidda hay’adaha ku shaqada leh arrimahan, iyo kor u qaadista wada-shaqaynta dowladda iyo bahwadaagta. Waxaa sidoo kale la adkeeyay baahida loo qabo in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan fursado shaqo oo ammaan ah, caddaalad ah, sharciyeysan, isla markaana dhowraya xuquuqdooda.
 
Barnaamijka Maareynta Socdaalka Shaqaalaha ee Gobolka (BRMM) waxaa maalgelinaya Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Boqortooyada Ingiriiska (UK FCDO), iyada oo loo marayo Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO).
 
Kulankani wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo maamulka socdaalka shaqaalaha, lagu ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibaddaba, laguna xaqiijinayo in socdaalka shaqaaluhu noqdo mid ammaan ah, nidaamsan oo sharciyeysan, kana qayb qaata koboca dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo waara.
 
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

÷ 2 = 5
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top