Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo la kulmay Safiirka Jamhuuriyada Taliyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, MudaneXildhibaan Hon Yusuf Mohamed Adan, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga ee Soomaaliya, Amb. Pier Mario Daccò Coppi. Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaradda taliyaaniga ee magaalada Muqdishu, ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xoojinta hay’adaha shaqo ee Soomaaliya iyo horumarinta fursadaha shaqo ee dalka. Mudane Yuusuf Maxamed Aadan iyo Amb. Pier Mario Daccò Coppi ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii Talyaanigu u xoojin lahaa taageeradiisa Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca shaqaalaha. Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo oo waara, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyo sidii loo horumarin lahaa xirfadaha shaqaalaha si ay ugu diyaar garoobaan suuqa shaqada. Inta lagu guda jiray kulanka, labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadley sidii Soomaaliya iyo Talyaanigu uga wada shaqeyn lahaayeen Ajendaha Shaqo Wanaagsan (Decent Work Agenda), kaas oo ah qorshe caalami ah oo lagu xoojinayo xuquuqda shaqaalaha, ka hortagga shaqo la’aanta, iyo kor u qaadista tayada shaqo ee dalka. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen in ay sii xoojiyaan iskaashiga labada dal ee arrimaha shaqo iyo horumarinta bulshada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

92 − = 89

Scroll to Top