Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Yusuf Mohamed adan ayaa maanta ka qaybgalay shirka 3aad Ee socdaalka shaqaalaha oo ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon. Yusuf Mohamed adan ayaa maanta ka qaybgalay shirka 3aad ee kooxda la-talinta socdaalka shaqaalaha kaasi oo ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa doorka wadahadalka bulshada ee horumarinta maamulka socdaalka shaqaalaha ee Bariga iyo Geeska Afrika, iyada oo loo marayo guddiga talo-bixinta socdaalka shaqaalaha (labor migration advisory group (MAG). Wasiirka oo khudbad kooban ka jeediyay madasha aya la wadaagay guulaha ay gaartay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha la xiriira socdaalka oo ay ka mid yihiin dhaqan-galka xeerka shaqada Soomaaliyeed (Somali Labor Code) oo dhawaan Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan sheekh Maxamuud saxiixay, sidoo kale dhameystirka siyaasadaha socdaalka iyo ansixinta Siyaasadda Qaran ee Shaqaalaha Doolka (National Labour Migration Policy) Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirada Shaqada ee 11 wadan oo ku yaalla Bariga iyo Geeska Afrika, wakiilo ka kala socda Urur Goboleedka IGAD, Bulshada Bariga Afrika (EAC), Komishanka Midowga Afrika (AUC), deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya siyaasadda shaqada iyo ilaalinta bulshada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

+ 24 = 26

Scroll to Top