Ministry of labour and social affairs

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Xildhibaan Aamino Xuseen Cali ayaa si rasmi ah u daahfurtay Barnaamijka Illaalinta Bulshada iyo Kobcinta Waxsoosaarka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Xildhibaan Aamino Xuseen Cali ayaa si rasmi ah u daahfurtay Guddi howleedka Barnaamijka Illaalinta Bulshada ee Kobcinta Waxsoosaarka (Productive Safety-Net Technical Working Group) Kuwaas oo ka kooban Hay’adaha dowlada iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya Kobcinta waxsoosaarka iyo Illaalinta Bulshada. Guddi-howleedkan ayaa diirada saari doona diyaarinta, hirgalinta iyo la socodka barnaamijka, si ay u hubiyaan isku dubaridka iyo in la waafajiyo waxyaabaha hortabinta u leh horumarinta qaranka. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ayaa xubnaha guddiga iyo Hay’adda FAO uga mahadcelisay wadashaqaynta, sidoo kale ku boorisay guddiga in ay diirada saaraan sidii qorshaha qaranka loo waafajin lahaa barnaamijkan ee kobcinta waxsoosaarka iyo yareynta faqriga dadka nugul.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

× 3 = 24

Scroll to Top