Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo booqday xarunta wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada SSC- Khaatumo.

Laascaanood, Isniin,14-April 2025 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xafiiska wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Maamulka SSC-KHAATUMO, waxaana halkaas si diiran ugu soo dhoweeyey wasiirka wasaaradda Mudane Awjaamac Maxamed Mursal, Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo dhamaan shaqaala waynaha wasaaradda.Ugu horreyn, wuxuu wasiirku bogaadiyey shaqooyinka u qabsoomay wasaaradda, wuxuuna ballan qaaday in si toos ah labada wasaaradood la isugu xiri doono, dhammaan adeegyada iyo mashaariicda ka socda wasaaraddana laga hir gelin doono deegaannada maamulka SSC-KHAATUMO. Sidoo kale wasiirku wuxuu dhagax dhigay xarunta tababarka xirfadaha oo loo dhisi doono maamulka SSC-KHAATUMO si kor loogu qaado xirfadaha isla markaasna shaqo abuur loogu sameeyo dhallinyarada SSC-KHAATUMO.Ugu danbeyn, wasiirka ayaa booqday xarunta xirfadaha casriga ah ee MARSO oo lagu barto xirfadaha gacanta kala duwan, wuxuuna soo arkay xirfadlayaal farshaxan sarre leh, kuwaas oo lagu tababaray xirfado kala duwan

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

95 ÷ 19 =

Scroll to Top