Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon Yusuf Mohamed Adan ayaa maanta ka qaybgalay xiritaanka shirweynaha qaran ee Xuquuqul Insaanka, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabtay gudaha dalka. Munaasabadan ayaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Insaanka XFS.
Wasiir Yusuf oo khudbad kooban ka jeediyay shirwaynaha ayaa xusay ahmiyada shirka isagoo intaas kadib diiradda saaray (Child Labor) xuquuqda carruurta yar yar kuwaas oo aan gaarin xiliga shaqada iyo in lagu taktirfalo xuquuqda carruurta.
Shirweynahan oo socday labadii maalin ee lasoo dhaafay ayaa waxaa si rasmi ah u soo xiray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta ilaalinta Xuquuqul Insaanka, kobcinta isla xisaabtanka dowladeed, iyo dhisidda hay’ado dastuuri ah si waafaqsan mabaadi’da xuquuqul insaanka.













