Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah magaalada muqdisho ku daahfuray Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.
Wasiirka Wasaardda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan oo khudbad ka jeediyay daahfurka ayaa sheegay in Siyaasadda Jaangoynta darajooyinka mushaaraadka shaqaalaha dowladda ay soo martay heerar kale duwan oo shaqo iyo farsamo taasi oo maanta suuragelisay in si rasmi ah loo daah-furo.
Wasiirka Wasaaardda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in Wasaaradda iyo Guddiga Shaqaalaha Qaranka iyo Hey’addaha kale Dowladda ay kala shaqaynayaan Hirgalinta iyo dhamaystirka hannaankan muhiimka ah.
Hirgelinta siyaasaddan muhiimka ah, ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo nidaamka mushaar bixinta iyo dib u habaynta hannaanka shaqaalaha Dowladda.
















