Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda wafdi ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP).

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda wafdi ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP).   Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo WFP, gaar ahaan horumarinta barnaamijyada ilaalinta bulshada (Social Protection), taageerada dadka nugul iyo dadaallada lagu xoojinayo badbaadada iyo daryeelka bulshada Soomaaliyeed.   Wafdiga WFP waxaa hoggaaminayay Mr. Hameed Nuru – Country Director, waxaana sidoo kale ka mid ahaa Ms. Hamdi Khalif – Head of Social Protection.   Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yusuf Hassan isack Yussuf Wadani, iyo qaar ka mid ah lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda, waxaana la isla gartay in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac si loo dardargeliyo barnaamijyada taageeraya bulshada Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

÷ 1 = 6
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top