Ministry of labour and social affairs

Wasiir Prof. Salim alio ibro oo si rasmi ah u furay barnaamij lagu xoojinayo awoodda ururrada shaqaalaha.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim alio ibro, ayaa maanta si rasmi ah u furay barnaamij lagu xoojinayo awoodda ururrada shaqaalaha, kaas oo diiradda saaraya horumarinta habab cusub oo lagu abaabulo shaqaalaha iyo tayeynta adeegyada ay ururradu siiyaan xubnahooda, gaar ahaan shaqaalaha ay saameeyeen isbeddelka cimilada iyo kuwa u baahan inay la qabsadaan kala-guurka dhaqaale iyo shaqo.
 
Barnaamijkan oo uu soo qabanqaabiyay Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), isla markaana ay maalgelisay Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo awoodda ururrada shaqaalaha si ay u horumariyaan abaabul hal-abuur leh, u gaaraan shaqaale cusub, isla markaana u bixiyaan adeegyo tayo leh oo wax-ku-ool ah. Barnaamijku waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa shaqaalaha ka shaqeeya waaxda dhuxusha iyo qaybaha kale ee la xiriira, kuwaas oo si weyn u dareemaya saameynta isbeddelka cimilada.
 
Wasiir Prof. Salim Alio Ibro ayaa khudbaddiisa furitaanka ku sheegay in ay muhiim tahay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay si firfircoon ula qabsadaan kala-guurka uu keenay isbeddelka cimiladu, isla markaana la dhiirrigeliyo abuurista shaqooyin cagaaran oo tayo leh (Green Jobs) iyadoo si buuxda loo ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha, gaar ahaan haweenka shaqaalaha ah. Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyay in barnaamijkani uu door muhiim ah ka qaadan doono xoojinta doorka ururrada shaqaalaha si ay u taageeraan shaqaalaha Soomaaliyeed una abuuraan fursado shaqo oo sharaf leh, waara, isla markaana ka qayb qaata horumarinta dhaqaalaha iyo ilaalinta deegaanka.
 
Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), Mudane Omar Faruk Osman , oo ka hadlay munaasabadda furitaanka, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada taageerada joogtada ah ee uu siiyo horumarinta xuquuqda shaqaalaha iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxaysa dowladda, ururrada shaqaalaha iyo hay’adaha caalamiga ah. Waxa uu sidoo kale xusay in barnaamijkani uu door muhiim ah ka qaadan doono xoojinta awoodda ururrada shaqaalaha si ay si wax-ku-ool ah u matalaan danaha shaqaalaha dalka.
 
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta wada-hadalka bulshada, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, iyo hirgelinta siyaasado shaqo oo dhiirrigeliya shaqooyin waara, horumar dhaqaale oo loo siman yahay, iyo abuurista fursado shaqo oo cusub oo la jaanqaadaya isbeddelka cimilada iyo horumarka dhaqaalaha dalka.
 
———DHAMAD———
 
 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

92 ÷ 23 =
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top