Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa ka qaybgalay kulan-hoosaadyo heer Wasiir ah oo ka qabsoomay magaalada Qaahira ee dalka Masar, kuwaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Shaqaalaha Adduunka.
Kulamadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirrada Shaqada ee dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Koonfur Suudaan, iyadoo ujeeddadu ahayd xoojinta wada-shaqeynta dalalka gobolka, is-weydaarsiga khibradaha, iyo horumarinta siyaasadaha shaqada ee waafaqsan heerarka caalamiga ah.
Intii ay socdeen kulammada, waxaa si qoto dheer looga dooday doorka ILO, nidaamka maamulkeeda iyo qaab-dhismeedka go’aan-qaadashada, mudnaanta istaraatiijiyadeed ee hay’adda, iyo hababka wax ku oolka ah ee loo fuliyo barnaamijyada taageeraya shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray:
- Dardargelinta hirgelinta Shaqo-sharaf (Decent Work)
- Xoojinta badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada
- Nidaaminta iyo maaraynta socdaalka shaqaalaha
- Horumarinta wada-hadalka bulshada (Social Dialogue)
- Ballaarinta ilaalinta bulshada (Social Protection)
- Ciribtirka shaqaaleysiinta carruurta