Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Salim Alio Ibro, oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Danjiraha Soomaaliya ee Masar, Mudane Cali Cabdi Awaare, iyo xubno ka tirsan safaaradda.
Intii lagu guda jiray booqashada, Wasiirka ayaa si qoto dheer ugu kuurgalay shaqada iyo adeegyada kala duwan ee safaaradda u fidiso bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan Masar.
Wuxuu ku bogaadiyay dadaalka iyo hufnaanta shaqaalaha safaaradda, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay tayeynta adeegyada iyo dardargelinta howlaha muhiimka ah ee safaaraddu u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed.