Ministry of labour and social affairs

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Xasan Isaaq oo daah Furay kulan aqoon is-weydaarsi ku saabsan (Country Capacity Assissment Workshop)

Aqoon-is-weydaarsi ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya (MoLSA) ayaa ka furmay Magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta isku-dubaridka wax ka qabashada masiibooyinka iyo horumarinta nidaamyada wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah.

 

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Yuusuf Xasan Isaaq (Wadani), oo khudbaddiisa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah iyo ka faa’iidaysiga nidaamyada jira si loo gaaro ka jawaabida degdeg ah ee, abaaraha iyo masiibooyinka.

 

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa sidoo kale ka soo qayb galay oo goob joog ka ahaa Dr. Ismail Jimcaale, Madaxa Mashaariicda, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya (SoDMA), iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedyada dalka iyo Agaasimayaal ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Intii uu shirku socday, waxaa laga dooday adeegsiga nidaamyada aqoonsiga iyo diiwaangelinta, hababka gaarsiinta kaalmada sida dhaqaalaha iyo xoojinta isku-duwidda xogta iyo hoggaaminta dowladda.

 

Ugu danbeyn, shirku waxuu adkeeyay doorka Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee horumarinta jawaabaha degdegga ah, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

− 1 = 5

Scroll to Top