Ministry of labour and social affairs

Kulan muhiim ah o loga hadlayaay ilaalinta Bulshada oo ka dhacay magaalada Muqdisho aya waxaa ka qeyb galay Wasiirka iyo wasiir ku-xigeynka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Waxaa Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ka qabsoomay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada (Social Protection Coordination Meeting) oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Salim Aliyow Ibroow, oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo bah-wadaagta si loo dardargeliyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.

 

Sidoo kale, kulanka waxaa ka qeyb gashay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Marwo Aamina Xuseen Cali, oo muujisay doorka muhiimka ah ee hoggaanka Wasaaradda ku leeyahay horumarinta iyo isku-duwidda barnaamijyada ilaalinta bulshada.

 

Intii uu socday shirka, waxaa lagu soo bandhigay horumarka iyo casharrada laga bartay barnaamijyada kala ah:

Child Sensitive Social Protection (CSSP)

Baxnaano

SAGAL Project

USR

SPDS

 

Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka ka jawaabista dhibaatooyinka degdegga ah (Shock Responsive Social Protection) iyo kor u qaadista isku-duwidda iyo wadaagista xogta.

 

 

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu dhisayo nidaam ilaalin bulsho oo waara, isla markaana gaara dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

+ 72 = 73

Scroll to Top