Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Saney Dalmar, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta shaqadii u qabsoontay Guddiga iyo horumarka laga sameeyay howlaha hortabinta u leh nidaamka shaqaalaha dowladda. Guddiga ayaa Agaasimaha Guud la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadkooda, iyagoo sidoo kale soo bandhigay caqabadaha iyo duruufaha ay la kulmeen intii ay ku guda jireen howlaha loo igmaday.
Agaasimaha Guud, Mudane Mohamed Saney Dalmar, ayaa bogaadiyay dadaalka iyo shaqada muhiimka ah ee uu Guddigu qabtay, isagoo ku ammaanay doorkooda ku aaddan tayeynta nidaamka shaqaalaha dowladda iyo horumarinta adeegyada maamulka shaqaalaha. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay Guddiga inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda si loo dardargeliyo howlaha wali dhiman loona gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo shacabka iyo dowladdaba anfaca.
———DHAMAD———