Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa kulan la yeeshay Mudane Naser Alhayen, Safiirka Dowladda Kuwait.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa kulan la yeeshay Mudane Naser Alhayen, Safiirka Dowladda Kuwait ee Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Kale ee Caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Geneva, iyadoo ay kulanka qeyb ka ahayd Marwo Khadra Axmed Ducaale, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva.

Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta Shirweynaha 114-aad ee Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) ee Geneva, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kuwait.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay fursadaha lagu xoojin karo wada-shaqeynta dhinacyada shaqada, horumarinta xirfadaha, shaqo-abuurka iyo arrimaha bulshada, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal.

Wasiir Prof. Salim Caliyow Ibro ayaa uga mahadceliyey Dowladda Kuwait taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kobcinta hay’adaha dowladda. Dhankiisa, Safiir Naser Alhayen ayaa muujiyey sida Dowladda Kuwait uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.

Kulankan ayaa ka tarjumaya heerka wanaagsan ee xiriirka Soomaaliya iyo Kuwait, iyo dadaallada labada dhinac ay ugu jiraan xoojinta iskaashiga ku saleysan danaha wadajirka ah iyo horumarinta xiriirka labada shacab ee walaalaha ah.  


———DHAMMAAD———

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

÷ 7 = 1
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top