Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Prof. Salim Alio Ibro, oo ka jeediyay khudbad Shirweynaha 114-aad ee (ILC 2026)

Geneva, Switzerland
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta ka jeediyay khudbad Shirweynaha 114-aad ee International Labour Conference (ILC 2026), oo ka socda Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, Switzerland.

Intii ay socotay khudbadda, waxaa madasha ku sugnaa wafdiga saddex-geesoodka ah ee Soomaaliya, oo ay ka koobnaayeen wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay qeyb ka ahaayeen la-taliyeyaasha sare ee Wasaaradda, Ururka Xiriirka Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Khudbadda, Wasiirka ayaa si qoto dheer uga hadlay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bixinayso dib-u-habeynta hannaanka shaqada iyo shaqaalaha, horumarinta siyaasadaha suuqa shaqada, iyo xoojinta wada-shaqeynta saddex-geesoodka ah ee u dhaxeysa dowladda, shaqaalaha, iyo loo-shaqeeyayaasha.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda hirgelinta ajandaha Decent Work, isagoo tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso abuurista fursado shaqo oo waara, yareynta shaqo la’aanta, gaar ahaan tan dhalinyarada iyo haweenka, horumarinta xirfadaha shaqaalaha, iyo dhismaha nidaam shaqo oo waafaqsan halbeegyada caalamiga ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyay International Labour Organization taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta awoodda hay’adaha shaqada, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, iyo fulinta barnaamijyada kor u qaadaya shaqo-abuurka iyo ilaalinta bulshada.

Shirkan oo ka socda Xarunta Qaramada Midoobay ee Palais des Nations ayaa socon doona muddo laba toddobaad ah, iyadoo Soomaaliya ay door muuqda ka qaadaneyso doodaha iyo go’aamada la xiriira horumarinta shaqada iyo shaqaalaha.

— DHAMMAAD —,

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 × 5 =
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top