Ministry of labour and social affairs

WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA OO SHAHAADO IYO ABAALMARIN KU MAAMUUSTAY AGAASIMEYAAL IYO SHAQAALE KA TIRSAN WASAARADDA

Muqdisho, 17 Juun 2026 – Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku qabatay xarunteeda munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu guddoonsiiyay Shahaado sharaf Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda, kuwaas oo lagu aqoonsaday dadaalkooda, hufnaantooda, ilaalinta waajibaadka shaqo iyo kaalinta ay ka qaateen horumarinta adeegyada Wasaaradda.
 
Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Marwo Aamina Xuseen Cali, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimeyaasha Waaxyaha, madaxda qaybaha kala duwan ee Wasaaradda iyo marti sharaf kale.
 
Ujeeddada munaasabaddan ayaa ahayd dhiirrigelinta shaqaalaha, aqoonsiga waxqabadkooda iyo xoojinta dhaqanka ku dhisan shaqo wanaagga, isla xisaabtanka iyo adeeg hufan oo loo fidiyo bulshada Soomaaliyeed.
 
Intii ay socotay munaasabadda ayaa shahaadooyinka lagu guddoonsiiyay Agaasimeyaal iyo shaqaale lagu qiimeeyay dadaalkooda iyo waxqabadkooda, iyadoo mas’uuliyiinta Wasaaraddu ay ku bogaadiyeen doorka ay ka qaadanayaan hirgelinta qorshayaasha iyo mudnaanta Wasaaradda.
 
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, ayaa sheegay in aqoonsiga shaqaalaha dadaalka badan uu yahay mid kor u qaadaya tayada shaqada iyo waxqabadka guud ee hay’adda.
 
Wasiirku waxa uu sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Aamina Xuseen Cali, dadaalka ay gelisay qaban-qaabada munaasabaddan iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaadatay horumarinta howlaha Wasaaradda.
 
Dhankeeda, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Aamina Xuseen Cali, ayaa sheegtay in aqoonsiga iyo dhiirrigelinta shaqaaluhu ay muhiim u yihiin kobcinta waxqabadka hay’adda, iyadoo ku boorrisay dhammaan shaqaalaha inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, xoojiyaan wada-shaqeynta isla markaana hormuud ka noqdaan adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada Soomaaliyeed.
 
Munaasabaddan ayaa ahayd tii ugu horreysay ee noocan oo kale ah lagu qabto Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, taas oo ka tarjumaysa sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay aqoonsiga iyo dhiirrigelinta shaqaalaha si loo xoojiyo hufnaanta, tayada shaqada iyo gaarista himilooyinka horumarineed ee Wasaaradda.
 
— DHAMMAAD —

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

70 + = 71
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top