Ministry of labour and social affairs

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil. Aamina Xuseen Cali oo soo xirtay aqoon-isweydaarsi laba maalmood socday oo ku saabsanaa Xeerka Xarunta Shaqada ee Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xil. Aamina Xuseen Cali, ayaa maanta soo xirtay aqoon-isweydaarsi laba maalmood socday oo ku saabsanaa Xeerka Xarunta Shaqada ee Ururka Iskaashiga Islaamka.
 
Aqoon-isweydaarsigan ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda, waxaana ka qayb galay Wasiir Ku-xigeenka, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo shaqaale kale oo ka tirsan Wasaaradda. Ujeeddada aqoon-isweydaarsiga ayaa ahayd in kor loo qaado fahamka shaqaalaha ee dhinacyada sharciyeed ee xeerka iyo sida uu ula xiriiro waajibaadka Wasaaradda ee ku aaddan shaqada, shaqo-siinta iyo ilaalinta bulshada.
 
Mudadii uu socday aqoon-isweydaarsigu, ka qaybgalayaashu waxay fursad u heleen inay si qoto dheer u falanqeeyaan qodobbada xeerka, muhiimaddiisa iyo kaalinta uu ka qaadan karo horumarinta shaqada Wasaaradda iyo xoojinta iskaashiga heer gobol iyo heer caalami.
 
Xiritaanka munaasabadda, Xil. Aamina Xuseen Cali ayaa ku bogaadisay ka qaybgalayaasha dadaalkooda iyo sida ay uga faa’iideysteen aqoon-isweydaarsiga, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay in aqoonta iyo waayo-aragnimada laga kororsaday tababarkan loo adeegsado horumarinta shaqada Wasaaradda iyo tayeynta adeegyada la siiyo bulshada Soomaaliyeed.
 
Waxay sidoo kale xustay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay sii wadi doonto dadaallada lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaheeda, si loo xaqiijiyo fulinta waajibaadka Wasaaradda iyo horumarinta adeegyada shaqada iyo arrimaha bulshada ee dalka.
 
—DHAMMAAD—

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

÷ 5 = 1
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top