Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Saney Dalmar, ayaa maanta Hotel Amara ee magaalada Muqdisho ka daahfuray Aqoon-isweydaarsiga Ansixinta Dib-u-eegista Qaab-dhismeedka Hirgelinta Siyaasadda Ilaalinta Bulshada (Validation Workshop for the Review of the Social Protection Policy Implementation Framework).
Aqoon-isweydaarsigan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo tayeynta Qaab-dhismeedka Hirgelinta Siyaasadda Ilaalinta Bulshada, si loo xoojiyo isku-duwidda hay’adaha ay khuseyso, kor loogu qaado hufnaanta hirgelinta, loona hubiyo in adeegyada iyo barnaamijyada ilaalinta bulshadu ay si wax ku ool ah u gaaraan bulshada Soomaaliyeed.
Mudane Mohamed Saney Dalmar ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan hirgelin oo waafaqsan mudnaanta dowladda, kaas oo gacan ka geysanaya horumarinta nidaamka ilaalinta bulshada iyo kor u qaadidda adeegyada la siiyo bulshada nugul.
Aqoon-isweydaarsiga waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada, Mudane Suheyb Dek Mohamoud. Sidoo kale waxaa ka qayb galay shaqaale ka socday waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kooxda Mashruuca Baxnaano, kooxda Mashruuca SAGAL, Mashruuca CSSP II, iyo wakiillo ka socday hay’adaha bahwadaagta ah ee UNICEF, FAO, WFP iyo Somali Cash Consortium, kuwaas oo si wadajir ah uga dooday talooyin iyo aragtiyo lagu xoojinayo hirgelinta Siyaasadda Ilaalinta Bulshada.
Aqoon-isweydaarsigan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo nidaamyada ilaalinta bulshada, xoojinta iskaashiga bahwadaagta, iyo tayeynta barnaamijyada taageera bulshada Soomaaliyeed.
DHAMMAAD