Ministry of labour and social affairs

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhiban Aamina Xuseen Cali, oo u furtay tababar cinwaankiisu yahay “Sameynta Goobo Shaqo oo Xushmad Leh, Ammaan ah isla markaana Xirfadeysan oo loogu talagalay Shaqaalaha Dowladda.”

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhiban Aamina Xuseen Cali, ayaa maanta si rasmi ah u furtay tababar soconaya muddo saddex maalmood ah oo cinwaankiisu yahay “Sameynta Goobo Shaqo oo Xushmad Leh, Ammaan ah isla markaana Xirfadeysan oo loogu talagalay Shaqaalaha Dowladda.”

Tababarkan waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed, isaga oo kaashanaya Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), waxaana taageeraya Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo loo marayo Mashruuca Dib-u-habaynta iyo Maalgelinta Kharashaadka Joogtada ah (Recurrent Cost and Reform Financing – RCRF), oo uu maalgeliyo Bangiga Adduunka.

Intii ay ka hadlaysay munaasabadda furitaanka, Xildhiban Aamina Xuseen Cali waxay carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in la abuuro goobo shaqo oo ku dhisan ixtiraam, badqad, isla xisaabtan, sinnaan iyo xirfad wanaag, kuwaas oo kor u qaadaya waxqabadka shaqaalaha dowladda isla markaana kordhinaya tayada adeegyada loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxay si gaar ah ugu baaqday in mudnaan la siiyo ilaalinta iyo badbaadada haweenka shaqeeya, iyadoo sheegtay in ay lama huraan tahay in la xaqiijiyo goobo shaqo oo ka madax bannaan tacaddiyada, cagajuglaynta, takooridda iyo nooc kasta oo xadgudub ah. Waxay xustay in haweenka shaqaalaha ay mudan yihiin in loola dhaqmo si sharaf, karaamo iyo ixtiraam leh, isla markaana loo abuuro jawi shaqo oo ammaan ah, caafimaad qaba isla markaana u suurtageliya inay si buuxda uga qayb qaataan horumarinta adeegga dowladda.

Xildhiban Aamina waxay sidoo kale ku boorrisay ka qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iidaystaan tababarka, aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ka kororsadaanna ugu dabaqaan goobahooda shaqo si loo xoojiyo wada-shaqaynta, isla xisaabtanka, hufnaanta iyo tayada adeegga bulshada.

Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa la filayaa inuu sare u qaado fahamka iyo hirgelinta habraacyada lagu xaqiijinayo goobo shaqo oo xushmad leh, ammaan ah, loo siman yahay isla markaana waafaqsan heerarka casriga ah ee maamulka iyo adeegga dadweynaha.

— Dhammaad —

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

+ 86 = 91
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top