Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Prof. Salim Alio Ibro oo ka qaybgalay munaasabadda daahfurka Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro ayaa ka qaybgalay munaasabadda daahfurka Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.
 
Munaasabadda oo diiradda lagu saaray xoojinta ilaalinta xuquuqda da’yarta Soomaaliyeed, ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay horumarinta nidaamka caddaaladda iyo xaqiijinta xuquuqda da’yarta.
 
Wasiirka Isagoo ka hadlay munaasabadda, wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalka uu yeesho xeerar la jaanqaadaya duruufaha jira, isla markaana si gaar ah u ilaalinaya xuquuqda iyo danta da’yarta Soomaaliyeed.
 
Waxa uu tilmaamay in da’yartu yihiin jiilka mustaqbalka ee dalka, loona baahan yahay in la helo sharciyo u abuura fursado, ilaaliya xuquuqdooda, isla markaana ka qayb qaata dhismaha mustaqbal wanaagsan.
 
Soo saarista Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dowladnimada, sareynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda da’yarta Soomaaliyeed.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, bahda caddaaladda, hay’adaha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
⸻ Dhammaad ⸻
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

− 2 = 2
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top