Agaasimaha Waaxda Shaqo Abuurka ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Zakaria Abdi Hashi, ayaa si rasmi ah u furay kulanka Warbixinta Xarunta Shaqo Abuurka Qaranka (Assessment for the National Employment Service Centre – NESC).
Qiimeyntan ayaa ujeeddadeedu tahay in dib-u-eegis lagu sameeyo waxqabadka xarunta, adeegyada ay bixiso, qaab-dhismeedka hay’adeed, habraacyada shaqo, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo adeegyada ay siiso shaqo-doonka iyo loo-shaqeeyayaasha, iyo doorka ay ku leedahay horumarinta fursadaha shaqo ee dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale fursad u ahaa ka-qaybgalayaasha inay ka doodaan natiijooyinka qiimeynta, caqabadaha jira iyo talooyinka mudnaanta leh ee lagu xoojin karo horumarinta xarunta.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay adkaynaysaa muhiimadda horumarinta Xarunta Shaqo Abuurka Qaranka (NESC), si loo xoojiyo isku-xirka shaqo-doonka iyo loo-shaqeeyayaasha, loona ballaariyo fursadaha shaqo, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya