Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Ka Qaybgalay Shir-sannadeedka Labaad ee Isku-dubbaridka Adeegyada Bulshada

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta ka qaybgalay Shir-sannadeedka Labaad ee Isku-dubbaridka Heerarka Dowladda ee Adeegyada Bulshada (Second Annual Intergovernmental Coordination Meeting on Social Service Delivery), oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.
 
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, waxaana ka qaybgalay wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo masuuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
 
Kulankan oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isku-dubbaridka hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, horumarinta wada-shaqaynta hay’adaha iyo tayeynta gaarsiinta adeegyada bulshada.
 
Ka qaybgalka Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa muujinaya muhiimadda ay Wasaaraddu siinayso iskaashiga hay’adaha dowladda, isku-duwidda siyaasadaha bulshada iyo horumarinta adeegyada bulshada ee dalka.
 
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

42 ÷ = 6
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top