Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlay dib u eegista dukumeentiga ballan-qaadka (Commitment Sheet), kaas oo diiradda lagu saaray dhammaystirka waajibaadka sannadka 2026 iyo diyaarinta hawlaha bilowga sannadka 2027.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo qaar ka mid ah la-taliyeyaasha Wasiirka, iyadoo laga wada hadlay dhammaystirka hawlaha u qorshaysan sannadka 2026 iyo diyaarinta mudnaanta shaqo ee sannadka 2027.
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya