Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Furay Aqoon-is-weydaarsi Lagu Ansixinayo Daraasad ku Saabsan Caqabadaha Shaqaaleysiinta Ku Saleysan Kartida

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa furay aqoon-is-weydaarsi lagu ansixinayo daraasad ku saabsan caqabadaha iyo diidmooyinka ku xeeran shaqaaleysiinta ku saleysan kartida ee shaqaalaha rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa diiradda lagu saarayaa dib-u-eegista natiijooyinka daraasadda, falanqaynta caqabadaha hortaagan hirgelinta nidaamka shaqaaleysiinta ku saleysan aqoonta, xirfadda iyo kartida, iyo soo jeedinta talooyin lagu horumarinayo hufnaanta iyo caddaaladda habraacyada shaqaaleysiinta hay’adaha dowladda.
 
Daraasaddan waxaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada u xilsaartay hay’adda   AIID-Africa, oo soo saartay daraasadda. Hay’addu waxay ka hawlgashaa guud ahaan qaaradda Afrika, waxayna ku takhasustay dowlad-dhisidda, dowlad-wanaagga, hoggaaminta suubban, dib-u-habaynta shaqaalaha dowladda, iyo kobcinta kartida iyo waxqabadka shaqaalaha, iyo sidoo kale arrimo kale oo la xiriira maamulka iyo hoggaaminta.
 
Daraasadda waxaa maalgeliyey Mashruuca TGP (Transformational Governance Program), oo ay taageerayaan Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyo Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Iswiidhan (Sida).
 
Natiijooyinka daraasaddan ayaa muhiim u ah aqoonsiga caqabadaha jira iyo dejinta talooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo nidaamka shaqaaleysiinta ku saleysan kartida, si loo horumariyo maamulka shaqaalaha rayidka, loo xaqiijiyo fursado shaqo oo loo siman yahay, loona kordhiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada dowladda.
 
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa sidoo kale fursad u ah ka-qaybgalayaasha inay dib u eegaan natiijooyinka daraasadda, kana qayb qaataan ansixinteeda iyo soo-jeedinta talooyin wax-ku-ool ah oo taageeraya dib-u-habaynta maamulka shaqaalaha rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay sii wadaysaa dadaallada lagu horumarinayo maamulka shaqaalaha rayidka, xoojinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyo hirgelinta nidaam shaqaaleysiin oo ku saleysan aqoon, xirfad iyo karti.
 
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

÷ 1 = 9
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top