Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yussuf Wadani ayaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.
“Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, waxaana ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u xoreynta iyo horumarinta dalka”, ayuu yiri Agaasime Yusuf.
