Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldagayo xuska maalinta shaqaalaha adduunka, taasoo si wadajir ah ay u qabanqaabiyeen Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyadoo ay taageerayso Hay’adda Caalamiga ah ee Shaqada ee ILO, oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha shaqada.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Mudane Yussuf Wadani oo soo dhoweeyey kasoo qaybgalashaa ayaa xusay muhiimada ay u leedahay maalinta shaqaalaha adduunka gaar ahaan shaqalaaha dowlada Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Xuska maalinta shaqaalaha adduunka ayaa marka hore hambalyo u diray dhammaan shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo qoyssaskooda gaar ahaan shaqaalaha dowladda Soomaaliya, asigoo xusay mudnaanta ay u leedahay maanta shaqaale waynaha Soomaaliyeed.
“Waxa aan ugu horeyn hambalyo leeyahay guud ahaan Shaqaale waynaha Soomaaliyeed waxa aan si gaar uga mahad-celinayaa shaqaalaha dowladda Soomaaliya sida nafhurnimada leh ee ay ugu adeegayaan dadkooda iyo dalkooda iyaga oo marxalad waliba ee lagu jiro diyaar u ah in ay umaddooda u adeegaan xili walibana naftooda ay ka hormariyaan adeega Bulshadooda Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya md.Yuusuf Maxamed Aadan.
Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU, Mudane Cumar Faaruuq Cusmaan, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta shaqaalaha adduunka ayaa tilmaayay muhiimada ay leedahay maalinta shaqaalaha adduunka asigoo bogaadiyay dadaallada ay wado wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dowlada Soomaaliya.
1-da bisha May ee sanadkasta ayaa ku astaysan maalinta caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka iyadoo maalintaas shaqaalaha dowladda iyo kuwa dowliga ahaynba shaqada laga fasaxo si ay qoysaskoooda waqti u la qaataan, shaqada uga nastaan.


















