Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada oo ka qeybgalay Shirweynaha 7-aad ee Caalamiga ah ee Badqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 7aad ee Caalamiga ah ee Badqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada, oo ka dhacaya magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Shirkan ayaa diiradda saaraya horumarinta deegaanka shaqo oo badbaado leh, oo ka madax bannaan shilal iyo cudurro shaqo. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, wuxuu xusay dadaalka Wasaaraddu ugu jirto xoojinta arrimaha badqabka shaqada, oo ay ugu horreyso aasaaska Machadka Badqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

10 ÷ 2 =

Scroll to Top