Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Xil. Yusuf Maxamed Adan oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo Hormarinta Bulshada ee Boqortooyada Sucuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan oo safar shaqo ku jooga magaalada Riyadh ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo horumarinta Bulshada ee Boqortooyadda Sacuudiga, Mudane Dr. Abdullah bin Nasser Abuthnain. Kulanka labada wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga, horumarinta bulshada iyo shaqo abuurka, iyadoo labada dhinac ay isla gaareen in la dedejiyo is-afgaradkii dhowaan dhexmaray labada dal ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga kaas oo ku saabsanaa shaqo-siinta debadda oo hadda meel fiican maraysa. Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay abuurto jawi shaqo oo waxsoo saar leh iyadoo u kuur gashay in ay dowladaha caalamka ay la gasho heshiishyo labo geesood ah (Bilateral labour agreements).

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

72 ÷ 36 =

Scroll to Top