Guddiga Farsamada ee Iskaashiga Shaqada ee Qatar iyo Soomaaliya ayaa maanta ku kulmay Doha ee dalka Qatar si ay uga wada hadlaan nidaamka shaqaaleysiinta iyo Hirgelinta Heshiiska Shaqada oo ay labada dal saxiixeen.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, waxaa ka go’an xoojinta fursado shaqo si ay dhalinyarada Soomaaliyeed u helaan nolol iyo mustaqbal waara.