Agaasimaha Waaxda Shaqo Abuurka ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Sakariye Cabdi Xaashi oo uu wehliyo la-taliyaha Warbaahinta Ee Wasaaradda, Mudane Xuseen iidow Cali ayaa booqday xarunta hal-abuurka ee SIMAD iLab oo hoostagta Jaamacadda SIMAD.
Bahja Shuriye, Agaasimaha Xarunta SIMAD iLab, ayaa si diirran u soo dhoweysay wafdiga Wasaaradda, iyadoo warbixin ka siisay dadaallada xaruntu ku taageerayso dhalinyarada Soomaaliyeed si ay u horumariyaan xirfadahooda, una bilaabaan ganacsiyo hal-abuur leh.
Booqashadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo SIMAD iLab, si loo ballaariyo fursadaha shaqo-abuurka iyo barnaamijyada kobcinta xirfadaha dhalinyarada.




