Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali, ayaa furtay kulanka 3-aad ee Guddiga Hagidda Mashruuca Iskaashiga Dowladda iyo Hay’adaha Gaarka loo leeyahay (PPDP), kaas oo diiradda saaraya tababarka xirfadaha tamarta la cusboonaysiin karo iyo awoodsiinta haweenka dhanka dhaqaalaha.
Mashruucan, oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga hirgeliyo Soomaaliya, waxaa iska kaashanaya dowladda, shirkado gaar loo leeyahay, iyo saaxiibbada caalamiga ah. Waxaa ka faa’iideystay 450 dhallinyaro ah oo ku kala sugan Muqdisho iyo Garoowe, kuwaas oo bartay xirfado la xiriira tamarta nadiifta ah, isla markaana helay fursado shaqo.
Ugu dambeyn, Wasiir Aamina ayaa sheegtey in Wasaaraddu sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo xirfadaha dhallinyarada si loo helo shaqaale xirfad leh oo la jaan qaadi kara baahida suuqa dalka, iyada oo ku boorrisay xarumaha farsamada in ay sii joogteeyaan bixinta tababarrada xitaa marka mashruucu dhamaado.




