Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil. Yuusuf Maxamed Aadan iyo qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa ka qeybgalay kulan u dhexeeyay Xarunta Shaqo Abuurka Qaranka ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Shirkada KIMS Microfinance kaasoo maanta ka dhacay Xarunta Shaqo Abuurka Qaranka ee Isla Wasaaradda.
Ujeedka kulanka oo ahaa sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyed ayaa Shirkadda KIMS waxa ay sheegtay in ay fursad u tahay la shaqeynta Wasaaradda ee dhanka Shaqo Abuurka ayna diyaar u yihiin in ay kaga qeybqaataan sida ugu habboon.
Ugu dambeynna waxaa ay Wasaaraddu iyo Shirkadda KIMS isku afgarteen in laga wada shaqeeyo Arimahaa Shaqo Abuurka Dhalanyarada.