Ministry of labour and social affairs

Wasiir Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa Maanta magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka jubbaland ku daahfurey Wajiga Labaad ee Barnaamijka Daryeelka Bulshada Ee Daneeya Caruurta (Child Sensitivity Social Protection program CSSP).

Wasiirka Shaqada iyo Arrimamaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa Maanta magaalada Kismaayo ee xaruunta ku meel gaar u ah dowlad goboleedka jubbaland ku daahfurey Wajiga Labaad ee Barnaamijka Daryeelka Bulshada Ee Daneeya Caruurta (Child Sensitivity Social Protection program CSSP).
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyey ayaa sheegey in Barnaamijkan wajigiisa labaad ay ka faa’ideysan doonaan 13,500 oo haween uur leh iyo kuwo nuujinaya iyo qoysaskooda kuwaas oo laga taageeri doono yaraynta dhaqaale xumida ay sababtay abaaraha soo noqnoqdey, isbedelka Cimillada iyo sugnaanta cuntada.
Mashruucan wajigiisa koowaad ayaa laga fuliyey sedex degmo oo ka tirsan dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Puntland, iyo Somaliland, halka wajiga labaad laga fulin doono dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Hiirshabelle.
Daahfurka Barnaamijkan waxaa kasoo qeybgaley wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dowlad goboleedka Jubaland, iyo qaar ka tirsan madaxda hey’ada UNICEF Soomaaliya.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top