Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Mudane Cali Cabdulahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si wadajir ah uga daahfurey Wajiga Labaad ee Barnaamijka Daryeelka Bulshada Ee Daneeya Caruurta (Child Sensitivity Social Protection program CSSP Phase2).

Wasiirka Shaqada iyo Arrimamaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Mudane Cali Cabdulahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Maanta magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle si wadajir ah uga daahfurey Wajiga Labaad ee Barnaamijka Daryeelka Bulshada Ee Daneeya Caruurta (Child Sensitivity Social Protection program CSSP Phase2). Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa lagu soo bandhigay muhiimada uu leeyahay Mashruuca CCSP. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyey ayaa sheegey in Barnaamijkan wajigiisa labaad ay ka faa’ideysan doonaan 13,500 oo haween uur leh iyo kuwo nuujinaya iyo qoysaskooda kuwaas oo laga taageeri doono yaraynta dhaqaale xumida ay sababtay abaaraha soo noqnoqdey, isbedelka Cimillada iyo Haqab-beelka cuntada. Mashruucan wajigiisa koowaad ayaa laga fuliyey sedex degmo oo ka tirsan dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Puntland, iyo Somaliland, halka wajiga labaad laga fulin doono dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Hiirshabelle. Daahfurka Barnaamijkan waxaa ku sugnaa Masuuliyiinta  Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Maamulka Magaaladda Jowhar iyo wafdi ka socday hey’adaha UNICEF, DRC iyo marti-sharaf kale.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

63 − = 56

Scroll to Top