Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta ka qaybgalay xaflad qalin-jabin ah oo loo qabtay arday baratay xirfadaha Xoghayn iyo Maareynta Xafiiska, kuwaas oo loo aqoonsaday inay yihiin xirfado aad loogu baahi badan yahay suuqa shaqada ee dalka. Munaasabaddan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa soo agaasintay Akadeemiyada Hagaag.
Wasiirka oo khudbad kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa ugu horeyntii hambalyo diirran u diray ardayda qalin-jabineysay iyo waalidiintii ku garab istaagay ardayda inay gaaraan guushan muhiimka ah. Waxa uu Wasiirku sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradu bartaan xirfadaha suuqa shaqada looga baahan yahay si loo xoojiyo kaalintooda ku aaddan horumarinta dalka.
Xafladda qalin-jabinta ayaa sidoo kale noqotay madal lagu dhiirrigeliyay muhiimadda ay tababarrada xirfadeed u leeyihiin kobcinta shaqo-abuurka iyo horumarinta kartida dhalinyarada Soomaaliyeed.









